Sheekhu wax uu lahaa sifooyin badan oo wanaagsan , laakiin qoraalkaan waxaan kuugu sheegi doonaa 3 sifo uu lahaa sheekhu kuwaas oo uu kaga duwanaa culimada kale ee soomaaliyeed.
1: Alifaada ku tubta.
Sh cismaan waxa uu alifay in ka badan 50 kitaab, oo uu kaga hadlay mawduucyo kala duwan , qeybo ka mid ah ku tubadaas waxa ay gaaraayaan dhowr mujalad taas oo ku tusaysa sida ay waasacsanayd aqoontii uu lahaa sheekhu
Taasina waxa ay ka dhigtay sh cismaan xidig sh ugu kitaaba alifaada badan dhamaan culimada soomaaliyeed.
3: fadliga iyo aqoonta shiikha.
Sh cisman xidig waxaa fadligiisa ka wada marag kacay carab iyo cajam.
Magaciisuna waxa uu ka talaabay daafaha soomaaliya iyo qaarada afrikaba .
Waxaana loo aqoonsaday sheekha inuu ahaa shumac u daarnaa umada islaamka ah , gaar ahaan inuu ahaa sheekhu xidig ka dhex ifayay gobloka geeska afrika iyo umada soomaaliyeed.
4:Hamigiisa.
Sh cismaan xidig sida ay sheegeen qeybo ka mid xertiisa oo ugu sh abuukar xasan maalin in uu ahaa sheekhu shaqsi ay aad himadiisu u sarayso , waxa uuna jeclaa iney shanta soomaaliyeed midoobaan ayna hoostagaan hala calan iyo hal dowlada
Sidoo kale sheekhu waxa uu jeclaa in dadka soomliyeed ay noqdan dadka ku xiran diinta iyo allah sw , si ey u noqdaan dad aysan qaadin hawada adduunka oo aysan ku sirmin dhaldhalaalka adduunkaan.
Waxa uu ku dardaarmay sheekhu in umada aan lakala qeybin , si kaste haddii loo kala afkaar duwanaadana in wax walba laga wada hadlo oo laga heshiiyo la iskuna tanaasulo si loo ilaaliyo diinta iyo midnimada umada.
Ugu dambayntii allah u naxariisto sh cismaan xidig qabrigiisana beer janaad allah uga dhigo.
Xaqiiqdii waxa uu ahaa shumac ka damay umada muslimiinta ah.
Amiin Aamiin Aamiin
0 Comments